
Hordhac :
Barashada higaada carabigu waa tallaabada ugu horreysa ee qofku uu qaado si uu u barto akhrinta iyo qorista luqadda carabiga. Waa furaha barashada Qur’aanka Kariimka ah iyo culuumta diinta islaamka. Dad badan ayaa la kulma caqabado marka ay bilaabayaan barashada higaada, ama iyagoo dhameeyay barashadeeda. balse waxaa jira habab sahlan oo qof kastaa uu ku baran karo si fudud. Qormadan waxa aynu kaga hadli doonaa caqabadaha ay la kulmaan dadka higaada baranaya, muhiimadeeda, iyo hababka ugu wanaagsan uguna fudud ee lagu baran karo higaada.
Maxaa ka dhigaya muhiim Barashada Higaada?
Barashada higaadu waxa ay awood inoo siinaysaa arimahan hoos ku xusan:
Akhrinta Qur’aanka Kaligaa – Qofku uma akhrisan karo Qur’aanka si sax ah iyo halka uu doono haddii uusan higaada ubaran si wanaagsan.
Sixidda Khaladaadkaaga si fudud – Qofku ma ogaan karo mana garan karo qaladka uu samaynayo iyo laaxinka ku jira marka uu quraan ama wax af carabi ku qoran uu akhrisanayo kaligii
Luuqadda Carabiga oo Aasaas u ah Diinta – Quraanku waa tiir-dhexaadka diinta, sidaas oo ay tahay dhamaan culuumta kala duwan ee shareecada islaamku waxa ay ku qoran yihiin af carabi sida xadiiska, fiqhiga iyo tafsiirka, taas oo ka dhigaysa higaada carabiga furaha laga rabo qof kasta oo raba barashadooda.
Carabiga oo Luuqad Hodan ah –Luuqadda carabigu waxay ku jirtaa luuqadaha ugu hodonsan xaga thaqaafada iyo culuumta waana furaha qofka raba in uu culuumta kala duwan ee nolosha iyo diinta ay muhiim u tahay in uu barto.
Ahmiyadda Barashada Higaada
Caqabadahaas kor ku xusan waxay muujinayaan Higaadu in ay tahay:
Furaha barashada Qur’aanka iyo diinta Islaamka.
Aasaaska akhriska iyo qorista carabiga.
Xirfad lagama maarmaan u ah qofka raba in uu cilmi diini ah ama mid kale barto.
Maxaa lagama maarmaan ah Si Loo Barto Higaada?
Si qofku ugu guuleysto barashada higaada, waxa uu u baahan yahay waxyaabo muhiim ah sida:
Laba Buug iyo Qalin – Midka hore waxa uu ku baranaya qoraalka iyo iskudayga koobaad ee qorista iyo yeedhiska joogtada ah. halka buuga labaad uu ku soo faygarayo casharada iyo waajibaadka nidaamsan, kabacdi marka uu soo saxo hab qoraalkooda buuga koobaad ee rafka ah. iyo qalinka oo ah aalada qorista suura galinaysa.
Buuga Higaada – Buuga barashada higaada ama manhajka ardaygu uu raacayo waa kitaabka ama qaacidada ay ku qorantahay dhammaan casharada iyo cutubyada higaada iyo far akhrisku, kuwaas oo u nidaamsan sida ay casharadu iskugu xigaan una kala muhiimsanyihiin, isla markaana tusalayaasha ardayga ee u sahlaya hadba marxaladda uu barashadeeda ku jiraa ay ku qoranyihiin.
Waqti iyo Jadwal Cayiman – Ardayga waa in uu yeeshaa jadwal rasmi ah oo joogto ah.
Macallin Karti iyo khibrad leh : Macalinku waa ka hirgalinaya qodabada kor ku xusan, isla markaana ku hagaya ardayga habka barashada ee buuga higaada.
Habka Ugu Wanaagsan uguna fudud ee Lagu Barto Higaada.
Daraasad lagu sameeyay qaababka waxbaridda higaada oo ay samaysay mu'assasada Qudus online taas oo ay ka qaybqaateen macalimiin khibrad dheer u leh barista higaada sanadkii 2022, waxay muujisay in:
Wax baris ku dhisan Faham; In barashada higaada lagu dhiso hab "fahansiin ah " iyadoo laga fogaanayo in ardayga la qaybsiiyo ama loo laqimo barashada higaada taas oo macnaheedu tahay in cashar kasta oo ka mid ah buugga higaada ee manhajka uu ardaygu fahmo isla markaana uu akhriyi karo oo qori karo casharkaa uu fahmay kuwa la mid ah oo u eeg.
In doorka macalinku uu noqdo tusaalayn iyo fahansiin, ardayguna doorkiisu yahay isku day iyo dabiqista casharka uu macalinku fahansiiyay iyo ka shaqaynta waajibaadka iyo layliska casharada si uu cashar kasta uula falgalo sidii loo baahnaa.
In bilawga carsharkasta macallinku ardayga sabuurada ama xaashi cad uu ugu sharaxo casharka kuna fahamsiiyo inta uuna u gudbin tusaalayaasha buuga.
In macallinku casharrada buugga uu u raaco sida ay iskugu xigaan isagoon ka boodin casharada qaar ama aan iswaydarinayn.
Macallinka higaada dhigaya in uu hal abuur iyo curin badan ku daro hab sharaxa iyo fahansiinta ardayda kala duwan ee higaada baranaya.
In macallinku ardayga uu dhex geeyo hab practical ah kitaabka quraanka hadba casharka uu marayo si marka uu qur’aanka bilaabo aanu wax cusub ugu noqon
Buugga iyo Manhajka Ugu Wanaagsan Ee Higaada Laga Barto

Waxa jira buugaag kala duwan oo loogu talo-galay barashada higaada, sida:
Macalimul Qiraa'ah Al-Carabiya
Qaacidada Nuuraaniyah
Qaacidada Al-Baqdaadiyah
Qaacidada Al-Makiyyah
Afartaas kitaab iyo manhaj mid kastaa wuxuu xooga saarayaa dhinac gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, tijaabooyin la sameeyay ayaa muujiyay in buugga Macalimul Qiraa'ah Al-Carabiya uu yahay kan ugu dheelitiran xagga casharrada, nidaamka iyo tusaalayaasha.
Barashada Hab-Qoraalka iyo Akhriska Musxafka (Rasmiga Cusmaaniga Ah)
Musxafka Qur'aanka ah ee aan akhrino waa Musxafka Rasmiga Cusmaaniga ah. Sidaa darteed, mararka qaar calaamadaha iyo hab-qoraalku way ka duwanaan karaan sida caadiga ah. Sidaa awgeed, qofka baranaya higaada waa in uu barashada cashar kasta la raaciyaa barashada xeerarka sida Sukuunta, Reebniinka iyo qawaaniinta kale.
Maxaa ku xiga Marka uu qofku dhammeeyo Buugga Higaada?
Marka ardayagu higaada uu dhameeyo dhammaan casharada higaada ee ku jiray buuga higaada ee ardayga u ah manhajka, waxa uu ardaygu muddo kooban isku dayayaa in uu quraanka higaad ahaan u akhriyo ugu yaraan juz ama juz badhkii iyadoo looga dan leeyahay in:
Kalsoonida ardayga ee akhris kor loo qaado.
Xawaaraha ardayga ee akhriska aad loo kordhiyo.
Ardaygu uu dabaqo dhamaan qawaacidii iyo xeerarkii higaada isla markaana uu awoodi karo akhrinta kalmado iyo qoraal badan.
Marka uu dhameeyo ardaygu intaas oo marxalo waxa uu noqonayaa arday kaligii Qur’aanka iyo wax kasta oo afka carabiga ku qoran akhrisan karo oo qori kara.
Sidee loo sixi kara qof higaada inta uu bartay hadana aan carabiga akhrisan karin oo ay ka qaldantay?
waxa jirta xaalad aad u badan oo ah in dadka barta higaada sababo kala duwan awgeed ay higaadu ka qaldanto oo ardaygu isagoo xattaa dhameeyay buugii manhajka higaada ama quraanka bilabay uusan si fiican u kicin karin carabiga iyo quraankaba taas oo caqabad wayn ku ah in uu si fiican u barto oo halka uu rabo u akhristo ama u soo xafido.
xaaladani waa xaalad ka daran ardayga bilaabaya ee aan hore usoo baran marka loo eego sixitaanka iyo fahanka.
Waxa aad u fiican in qofka xaladan ay haysato marka loo saxayo higaada marka hore lagu sameeyo dhammaan casharada iyo cutubyada higaada qiimayn iyo imtaxaan, si loo ogaado halka ay ka qaldantahay, marka la ogaado ardaygu waxa uu yaqaan iyo waxa ka dhiman waa in loo soo bilaabaa aadna loo hubiyaa cashar iyo cutub kasta in uu si fiican u fahmay inta aan ka kale ee ku xiga loo gudbin iyadoo aad xooga loo saarayo halka uu ka liito .
Gunaanad
Barashada higaada carabigu waa tallaabo lama huraan u ah qof kasta oo raba in uu barto Qur’aanka, diinta islaamka, iyo luqadda carabiga guud ahaan. Waa muhiim in qofka baranaya higaada uu yeesho dulqaad iyo joogtayn, oo uu Raaco buug iyo manhaj habaysan, sidoo kale Hagista habraaca macallin aqoon iyo khibrad u leh.
Haddii aad rabto in aad barato higaada si fudud oo habaysan raac tilmaahaas, billaabidda maanta ayaa ah fursadda iyo go'aanka ugu muhiimsan !
Su’aalo ku wajahan Akhristayaasha.
Adigu ma isku dayday inaad barato higaada marna?
Maxaa ay ahayd sababta ugu wayn ee markasta kaa reebta in aad sii wado barasha higaada?
Maxaa kugu adkaa intii aad baranaysay higaada carabiga ?
Ma haysaa tallooyin ay uga faa’iidaysan karaan dadka bilaabaya?
Fikirkaaga noogu reeb qeybta faallooyinka! 📩
Hadii aad rabto barashda Higaada Course kan ku biir
Qoraaga:
Zakariye Mohamed
Qudus online PEO
Comments